Waxay
ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid
ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go'doon ah oo hooyadu in
muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo
nooleeyey. Garab la'aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii
nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay,
gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii
taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda.Hooyo Nuura oo carruurteeda dhextaagan
Sawirka/MMTV
Nuura
Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano
ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay
sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go'day hagbad ay ururin jirtay,
oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii
aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida
qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u
ahayd.
Halkan
ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin yar oo weriye ah, oo
ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade
wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo
magaalada Hargeysa. Si ay ku heleen ba
xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab
noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan
xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag
yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku
da'ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo
balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na
hadalkeedaa daa!
Guddoon
Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa
tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto
ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday
iyo abtigay na way na la joogaan.”
Waxa
weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha
lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay
nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari
wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig
ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla
magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal
sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in
deynta laga bixiyo si loo sii daayo.
Gashigaasi
waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku
saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay
taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa
ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa
suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka
dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda
ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen
in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah.
Markii
hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa
farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex
sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey
jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada
ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka
degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii
ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato
daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda
da'deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye,
markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay
saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd.
Mar
haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa
madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta.
Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943
doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay
in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga
bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey.
Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo
telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag
dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo.
Waxan
bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba
ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo
denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad
muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa
ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u
baahan in loo gurmado.
Hawshan
oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin
in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la
helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi
weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista
dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay
Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare
dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo
mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii
lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan
arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka.
Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na
waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka
naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka
sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka
dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo
iyo warbixino ha ka samayso.
Waxan
ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta
loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku
riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu
dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo,
qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex
fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu
shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa
wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga
ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr
sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa.
Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"
cabdiheersare01@hotmail.com