Tuesday, December 26, 2023
Sunday, December 24, 2023
Wednesday, December 20, 2023
Sunday, December 17, 2023
Thursday, December 14, 2023
Wednesday, December 13, 2023
Bandhiggii Kulmiyey Qalinlayda iyo Qoraalquudata!
Waxa uu ahaa kulan la mahadiyey oo kulmiyey dad isu baahnaa: qalinlayda iyo qoraalquudata. Kulanka waxa suurtageliyey ururka Somali Nordic Culture Presenterar, oo soo agaasimay badhigdhaqameedkii Soomaalida ee ka qabsoomay caasimadda dalka Iswiidhan ee Stockholm.
Waxa uu bandhiggu soconayey saddex maalmood (8-10/12/2023). Waxa uu ahaa bandhig si heersare ah loo soo agaasimay, oo wakhti iyo maarayn hufan ba loo huray. Marka laga yimaado musdanbeedka ururka, waxa hawsha xuddun u ahaa laba qof oo maddaaleyaal ah: Muuse M. Ciise “Dalmar” iyo Degmo Axmed.
Hannaankii hawsha loo hagayey iyo hawlwadeennadii gacanta ku hayey bandhiggu, waxa ay hirgeliyeen in saddexdaa maalmood noqdaan kuwo si weyn loo faa’idaystay. Waxa la kulansiiyey halabuur kala duwan oo dalal kala duwan isaga kala yimi; qoraayaal, filinsameeyeyaal, bareyaal, arday iyo martisharaf tiro badan.
Waxa la soo bandhigay oo la wadaagay buugaag xanbaarsan: aqoon, suugaan, sheekofaneed, taariikh iyo buugaag carruurta loo qoray. Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyey in ay soo bandhigaan gabayo ay ku tiriyeen afafka Iswiidhishka iyo Ingiriisiga.
Waxa kale oo daraasad iyo tababar ku saabsan Afsoomaaliga soo bandhigay bare sare Morgan Nilsson, oo muddo dhawr iyo toban sano ah baadhitaan ku samaysanayey Afsoomaaliga, isla markaa na hadda ka dhiga jaamacadda Goteborg ee dalka Iswiidhan.
Nasiib weyn waxa loo helay in madasha lagu daawaday filinka "Xaaska Xabaal Qodaha" oo noqday filin adduunka saamayn ku yeeshay, oo fikirkiisa iyo iskudubbaridkiisa uu lahaa Khadar Caydaruus.
Waxa aan ka mid ahaa dadkii fursadda u helay in ay bandhigdhaqameedka ka qaybgalaan. Mar uu i xannibo xanuunkii Karoona iyo marar badan oo kale, oo mashquulka iyo waayahu i hakiyeen ba, wakhti u maan helin in aan madal furan kaga hadlo buugga "Hogatuska Nolosha" ee maaxdii macallinka nolosha, abwaan Hadraawi, Ilaahay SWT ha janneeyo oo ha u denbidhaafo e. Dadka Stockholm deggen iyo inta ka baxsan bandhigga ka soo qaybgashay, ayaa nasiib u yeelay in aanu madal furan ku wadaagno buugga.
Qabanqaabiyeyaasha bandhigdhaqameedku, waxay guteen xil weyn oo dad badan saarnaa. Waxa ay u hiiliyeen dhaqanka iyo afka ba. Waxa ay muujiyeen karti iyo hufnaan muujinaysa, haddii Alle idmo, in sannadka soo socda na ay qaban karaan bandhig kale qaayo badan. Way ku mahadsan yihiin xilkasnimada iyo xilka ay guteen ba.
Qore: Heersare Muxumed
Monday, November 27, 2023
Saturday, November 25, 2023
Friday, November 17, 2023
Sunday, November 5, 2023
Friday, October 20, 2023
Friday, October 13, 2023
Tuesday, October 10, 2023
Monday, October 2, 2023
Thursday, September 28, 2023
Monday, August 28, 2023
Monday, August 21, 2023
Sunday, August 20, 2023
Thursday, July 13, 2023
Sunday, June 11, 2023
Saturday, June 10, 2023
Thursday, June 8, 2023
Sunday, April 30, 2023
Wednesday, March 15, 2023
Saturday, March 11, 2023
Tuesday, March 7, 2023
Sunday, March 5, 2023
Monday, February 27, 2023
Friday, February 24, 2023
Wednesday, February 22, 2023
Sunday, February 12, 2023
Wednesday, February 8, 2023
Sunday, February 5, 2023
Saturday, February 4, 2023
Thursday, February 2, 2023
Thursday, January 26, 2023
Friday, January 20, 2023
Sunday, January 15, 2023
Saturday, January 14, 2023
Friday, January 13, 2023
Wednesday, January 11, 2023
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...