Arrinta aan ka hadli doonaa waxay i xusuusisay horraantii sagaashanaadkii waxa aan ka
mid ahaa arday wax ka baran jirtay dugsi ku yaalla dariiqada Xaaxi oo
ka tirsan gobolka Daad-madheedd (Oodweyne). Xilliyadaasi waxay ahayd
intii aanay Somaliland hagaha adag ku taagnayn oo dagaallo ayaa iska
jiray.
Waxa dugsigii aan dhiganayay la keenay deeq kala duwan oo isugu
jirtay buugaag, qalimo noocyo kala duwan ka koobnaa iyo agab kale. Waxa
buugaagtaa ku jiray qaar loogu talogalay in wax lagu sawiro oo
cabbirkoodu ahaa sida waraaqda A4-ta ee wax lagu daabacdo oo kale.
Waxa
buugaagtaa na loo siiyey in aanu ku sawirno wax aqoontayada dhisaya oo
xilliyadaas lama haysan agabka muuqda ee qofku marka uu yar yahay wax
lagu baro. Waxay ahayd inaan buugaagta ku sawirno xoolo, dhir, shinbiro,
xayawaan, khariirado iyo wixii la midka ah. Waxa aanu buugaagii ka
buuxinnay oo kollay-ba anigu aan is-xusuustaa qoryo, baabuurta
gaashaaman ee dagaalka iyo wax dagaal la xidhiidha. Waayo, waqtigaa waxa
aan ka mid ah dadkii ay maskaxdooda aadka uga sii guuxaysay hirdankii
rasaasta iyo dagaalladii qadhaadhaa ee dhex mari jiray millaterigii
taliskii Siyaad Barre iyo ciidamadii SNM ee Somaliland xoreeyey. Waxaas
oo mahadho igu leh ayaan waxbarasho bilaabay, dabadeed qoraal iyo sawir
ayay kalliftay inaanu ku muujinno aniga iyo intii la midka ahayd ba
wixii naga dhex guuxayay ee yaraantii na saameeyey, oo weliba aniga sida
gaarka ah ii saameeyey.
Annaga
oo keliya maannaan ahayn ee xitaa geeljirayaasha magaaalada iman jiray
waxa muddo lagu arki jiray caagadaha ay caanaha ku soo qaadi jireen,
iyagoo noocyo kala duwan oo qoryo ah intay maakiinad/sakiinad ma wax
kale oo af-fiiqan soo qaateen caagadaha dhinacyooda ku sawiray.
Xusuustaasi
maaha mid weli maskaxday ka suushay, waxa sidaa la mid ah waqti kasta
oo ay ciid tahay waxa aan Hargeysa ku arkaa carruur ku gaashan qoryo
caag ah, baaskoolado, rash qarxaya oo halkii banbada ku jira, diyaarado
iyo baabuur gaashan. Waa saanad millateri oo dhammaystiran. Waxa laga
yabaa in aabbaha ubadkiisa u soo iibinayaa uu ka fikirayo in ilmihiisu
uu farxadda ciidda daamaashaadkeeda kaga qaybgalo, laakiin waalidkiisu
miyaanu ogayn saamaynta maskaxeed ee ilmihiisa ay kaga tegayaan
ku-ciidista saanad millateri oo aanan garayn sababta ilmo yari ugu
ciidayo?
Waxay
ahayd ciiddii hore ee soon-fur ee aynu soo dhaafnay. Waxa aanu ku
sugnayn mid ka mid ah hudheelada Hargeysa. Si kedis ah waxay indhahaygu u
qabteen wiil yar oo aan da' ahaan ku qiyaasay illaa todoba jir. Wuxuu
ku jeeni-qaarnaa qori caag ah oo loo eekaysiiyey qoriga silsilad laha ah
ee soomaalidu u taqaanno badh-daloolka amma silsilad laha.
Inkasta
oo ay ahayd maalin farxadeed oo wiilkaas yari farxadda ciidda la
qaybsanayay caruurta ay isku gedaha ahaayeen, haddana wuxuu u muuqday
mid lagu hubeeyey mid ka mid ah qoryaha ugu khatarsan ee xilliyadan la
isku gumaado. Wuxuu ku faraxsanaa inuu dadka ku fiiqo oo uu ku riddo
qoriga caagga ah balse samaynaya codka rasaasta.
Dadka
sida gaar ah aqoonta ugu leh koritaanka maskaxda caruurtu waxay
sheegaan in ilmuhu marka uu yar yahay in maskaxdiisu kaydiso
dhacdooyinka iyo maraaxilka nololeed ee koritaankiisu marayo iyo
waxyaabaha uu la kulmo. Waxa aad arkaysaa qof ku odhanaya: “Waxa aan
xasuustaa wax shan jirkaygii igu dhacay.”
Ilmahan
yari marka uu ku ababo qori caag ah laakiin leh qaabka qoriga rasmiga
ah, keeb, dhacaya isla markaana ku abuuraya inuu baranayo dhaqan la
xidhiidha inuu marka uu koro uu isticmaali karo qoriga rasmiga ah ee wax
lagu dilo, waxa lagu jiheeyey dubtii dagaalka. Waana waxa aynu u
baahannahay in laga bogsado oo laga gudbo waa mahadhooyinkii dagaalka'e.
Qorigan
oo keliya ma aha hubka caagga ka samaysan ee caruurtu ku ciidaan ee
waxa waddanka la keenaa baaskoolado, Ak-47, kaarayaal, rag hubaysan iyo
diyaarado dagaal.
Maadaama
oo Somaliland ka mid tahay meelaha ay hore u soo daashadeen dagaallo
xilliyo kala duwan dhacay, oo dadka waa weyn in badan oo ka mid ah uu
weli maankooda ka sii guuxayo qoryihii iyo xabbadihii kala duwan ee la
isu adeegsanayay, waxa mudan in caruurta laga daawo hubka lagu
ciidsiinayo ee quluubtooda ku kaydsamaya.
Maadaama
oo ay berri tahay ciiddii waxa aan waalidiinta kula talin lahaa inay
carruurtooda ka daayaan waxyaabahaas masxdooda dhaacaya. Dadka qaar waa
laga yaaba inay ku doodaan inay maalin ciideed tahay, balse raadka ay
ilmaha kaga tegayaan ayaan ka xun farxadda. Wax maskaxdooda koriya oo ka
fiican-na ha loo soo sameeyo oo ha loogu beddelo. Waxa kale oo mudan in
ganacsatada qalabkan keenaysaa ay ilaahay ka yaabaan oo wax ka
wanaagsan oo lagu ciiyo ay keenaan.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
http://heersaremuxumed.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment