Sannad kasta maanta oo kale 20ka bisha Feebarweri waxa Somaliland looga dabbaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo lagu saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad. Waxaana farxad ii ah in aan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda UFFO oo uu si mug leh uga hadlayo Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ay dheer tahay taariikhdiisa laga soo bilaalo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.
Monday, February 20, 2017
Friday, February 17, 2017
Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
Qofku marka uu afkaar iyo
mabaadi’ kaa duwan aamisan yahay haddii aad xidho waad sii shidaalinaysaa uun.
Fikirka uu qofku aamisan yahay xadhig laguma suuliyo ee xal iyo xog ayaa
lagu beddelaa. Marka wax la isu sheego ee la is hoga-tusaaleeyo qofku inuu
qancaa waxay ku xidhan tahay sida wax loogu sheegay iyo sida loogu bayaamiyo
fikirka uu aaminsan yahay ka lidka ku ah. Marka uu jiro sharci qoran oo aan
cidina ka gudbi Karin oo bulshada loo faahfaahiyey. Intaa wixii ka dambeeya
arrinku waa: “War la hel ba talo la hel.”
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...