Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Qudhac-dheer oo tunka
ku qaaday Cabdiqani Xuseen Xasan (Cabdi Geesi)
Sawirka: Khaalid Foodhaadhi/Goobjooog
|
Waxa
uu garwaaqsaday inuu sameeyey wixii ugu wanaagsanaa noloshiisa intii uu noolaa.
Markii uu qaadanayey go’aankii halista badnaa, waxa uu u badheedhayey nolol iyo
geeri ama guul iyo guul-darro mid uun. Idimka Ilaahay se waxa u rumowday tii
wanaagsanayd, oo waxa uu la hulleelay guul iyo nolol ay farxadi ku dheehan
tahay. Da’diisa oo yar iyo taagtiisu ba may hagran ee waa waxa macnaha u
sameeyey guusha uu soo hooyey.
Qofka
aan ka hadlayaa waa Cabdiqani Xuseen Xasan oo ah 16 jir ku nool magaalada
Hargeysa. Waxa uu 30kii bishii Abriil ee 2018ka sameeyey hawlgal nafhurnimo ah,
ka dib markii uu isku tuuray isaga oo adeegsanaya xirfad iyo kalsooni daad
baaxad weyn, kaas oo qulqulayey balliga Qudhac-dheer. Waxana uu halkaa ku
badbaadiyey laba carruur ah iyo hooyadood, oo xilligaa halis ku jiray. Waxana daadkaa ku dhintay laba carruur ah oo
la badbaadin kari waayey.
Mar uu
Cabdiqani xaaladda ka hadlayey xilli wareysi laga qaaday 1dii May ee is la
sannadkan 2018, waxa uu yidhi: “Waxa aan sii dabbaasha ba oo kol ba aan gebi ka
sii gudba ba, halkii ayaan ugu tegay labadii yar yaraa. Kii yaraa ayaan markii
ba soo qaaday, kii weynaa na waxa aan ku idhi, ‘qabso oodda.’ Kii yaraa markii
aan soo qaaday ayaan u keenay hooyadii. Kii kale na gacanta ayaan soo qabtay oo
waan soo kaxeeyey.”
Tallaabadaa
geesinnimada ah ee uu sameeyey Cabdiqani Xuseen, waxay noqotay mid aniga
saamayn igu yeelata. Markii aan arki waayey cid u mahadcelinaysa, is la
markaana aan dareemay in aan si dhab ah loo dhugan nafhurnimadii iyo hawshii
badbaadinta ee uu Cabdiqani sameeyey, ayaa waxa aan bulshada u soo bandhigay
qoraal baraarujin ah, kaas oo aan qoray 4tii May. Waxana aan ciwaan uga dhigay:
“Naftiisa
Ayuu Halis U Geliyey Si Uu U Badbaadiyo Nafo Kale.”
Markii
uu qoraalkii baahay ee uu dad badan gaadhay, haddana wax kale oo dhaqdhaaq ah
ma arag. Markaas ayaa aniga oo asxaabtii igu dhaweyd kaashanaya, aanu ku
dhaqaaqnay in aanu agaasinno sidii ninkaa yar ee Cabdiqani loo abaalmarin
lahaa. Muddo ku siman labaatan maalmood ayaanu hawshaa ka fikirkeeda, diyaarinteeda
iyo is ku dubbaridkeeda ba aanu ku hawlanayn. Waxana hawshu ahayd mid
suxufiyiin ku kooban. Weli ba aniga ayaa ku adkaystay in aanay hawshu naga
noqon uun abaalmarin lacageed oo keliya, ee billad na geesi na in aanu samayno.
Markii
ay hawshu nooga dhammaatay dhanka Oslo/Norway, ayaanu u wareejinay Hargeysa, si
hawshu uga qabsoonto gudaha. Waxana dhanka gudaha hawsha gadh-wadeen ka ahaa Maxamed
Xasan Dirir.
Billadgeesida la siiyey Cabdiqani Xuseen Xasan Sawirka: Khaalid Foodhaadhi/Goobjooog |
Waxa
hawsha sii bilay oo qaayaheeda kor u qaaday weriye Khaalid Foodhaadhi, oo
sameeyey warbixin hufan oo koobsanaysa sidii Cabdiqani Geesi carruurta iyo
hooyadood ba uu daadka uga badbaadiyey iyo qaabkii quruxda lahayd ee loo
abaalmariyey.
“Aad
iyo aad ayaan ugu faraxsanahay billadda iyo abaal-marinta la i siiyey. Waxana
ay ii tahay dhiirigelin. Waxa kale oo ay niyad-dhis u tahay dhallinyarada
gudaha waddanka joogta ee sidayda oo kale ah. Maadaama oo ay dadkooda iyo
dalkood ba difaacayaan,” ayuu idhi Cabdiqani Xuseen (Cabdi Geesi).
Waxa
uu intaa raaciyey oo uu yidhi: “Anigu na aad iyo aad ayaan ugu faraxanahay
maadaama oo aan nafo badbaadiyey. Waa na wax Ilaahay igu ilhaamiyey oo waa la
is ku leeyahay. Waxana aynu nahay dad Soomaali ah oo walaalo ah.”
Raxma
Yuusuf Muuse, waa hooyada iyada iyo carruurteeda ba uu Cabdiqani Xuseen ka
badbaadiyey daadka. Waxa weli ka sii muuqda dhaawacyadii uu daadku gaadhsiiyey,
iyada oo foolasha sare ka daateen. Weriye Khaalid Foodhaadhi oo gurigeeda ku
booqday, ayaa weydiiyey sidii Cabdiqani Geesi u badbaadiyey, waxana ay tidhi: “Haddii
aanu Cabdiqani halkaa joogin, oo aanu biyahaa isku soo dhex tuuri lahayn, ma
baanaan noolaaneen ba. Isaga ayaa na soo badbaadiyey oo naftiisa huray, oo
tiisa (naftiisa) ayaa ba xitaa sigatay ba.”
Maamulka
iyo macalimiinta dugsiga Qudhac-dheer oo iyaguna ka hadlay madasha
guddoonsiinta billada, ayaa si kal iyo laab u sheegay inay tahay wax lagu farxo
billad-geesida Cabdiqani Xuseen lagu abaalmariyey. Waxana ay sheegeen inay hore
Cabdiqani ugu abaalmariyeen inay ka dhaafeen lacagtii waxbarashada ee bixin
jiray, oo hadda wixii ka dambeeya inta dugsiga u hadhay uu lacag la’aan ku
dhigan doono.
Maxamed
Xasan Dirir oo isagu wakiil ka ahaa hawsha gudaha iyo guddoonsiinta ba, ayaa mar
wax laga weydiiyey hawsha billada waxa uu yidhi: “Waxa aanu billad-geesi aanu
ugu talo galnay in aanu ku abaalmarino, aanu guddoonsiinay Cabdiqani Xuseen
Xasan, oo sameeyey nafhurnimo uu daad kaga badbaadiyey laba carruur ah iyo
hooyadood. Anna wakiil ayaan ka ahaa. Waxa aan u mahadcelinayaa maamulka
dugsiga Qudhac-dheer oo iyaguna garab fiican nagu siiyey inay hawshaashi
qabsoonto. Waad arkayseen sidii quruxda badnayd ee Cabdiqani ugu farxay.”
Waxa
uu Dirir intaa sii raaciyey oo uu yidhi: “Waxa kale oo iyana wehelinaysay
hooyadii isaga dhashay, oo runtii ay guul weyn u tahay in midhidhii ay iyadu
dhashay uu tallaabada noocaas ah uu qaado.”
Ujeeddada
guud ee aanu billad-geesidan ugu abaalmarinay Cabdiqani Xuseen Xasan (Cabdi
Geesi) waxa ay ahayd; in aan si dhib yar loo illaabin tallaabaddii geesinimada
ahayd ee uu sameeyey iyo in isaga laftiisa ay niyad-dhis u noqoto, si uu u
dareemayo inuu sameeyey wax fiican oo ku dayasho mudan. Sida oo kale na in
aanu noqon geesi la garab maray oo la iska illaabay.
Gunaanadka,
waxa aan u mahadcellinayaa Ilaahay oo nagu guuleeyey hawsha culus ee aanu
galnay. Marka xigta waxa aan u mahadcelinayaa oo hawsha billadda i la agaasimay
weriyeyaasha kala ah Sabaax Axmed Cige (Sabaax Askar), Cabdirisaaq Cisman Fadal
iyo Mahad Cabdulle oo isagu qaybtii hore ee agaasimka naga yar daahay,
hasayeeshee xagga gadaal naga soo gaadhay.
Waxa
kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Maxamed Xasan Dirir, oo qaabilsanaa
agaasimka hawsha ee gudaha iyo Khaalid Foodhaadhi oo diyaariyey warbixin qiimo
badan oo uu ka sameeyey billad guddoonsiinta.
Ugu
dambayntii waxa aan u mahadcelinayaa maamulka dugsiga Qudhac-dheer, oo iyaguna si
hufan u agaasimay xafladdii guddoonsiinta billada ee dugsiga ka qabsoontay.
Cabdishakuur X. Muxumed
Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment