Nacdashu
waxay ka mid noqotay cayda ugu isticmaalka badan ee bulshadeenna ku
dhex faaftay. Waxa aad arkaysaa ilmo yar oo ku hadaaqaya; “Hooyadaa
nacallaa ku yaal amma aabbahaa nacallaa ku yaal.” Wuxuu dhaqankan
qarriban ka bartay bulshada uu ku dhex nool yahay oo ah macallinka
labaad ee wax bara. Waxa se layaab leh oo sida oo kale aad arkaysaa
hooyooyin badan oo caruurtooda ku leh; “Nacallaa aabbahaa ku yaal.”
Waxay nacdalaysaa waa saygeedii, iyada oo u sii maraysa ilmaha yar ee
ay dhashay. Waxa kale oo aad arkaysaa dad isku leh; “Nacallaa waxa
aad tahay ku yaal, nacallaa ku dhalay, nacallaa wasiirtaa ku yaal,
nacallaa wixii iska kaa dhalay ku yaal, nacallaa meesh aad ka timi ku
yaal iyo nacdasha ilaahay kugu soo degtay.”
Nebigeenna
suubban ee Muxamed (NNKH) waxa ka sugnaatay in marka uu qofku wax
nacdalo in nacdashaas albaabada samada iyo kuwa dhulka in la xidho.
Dabadeedna ay dib ugu soo noqoto qofka, xoolaha amma xayawaanka la
nacday oo haddii uu nacdashaa muddaystay way ku dhacday, haddii aanu
se mutaysan waxay dib ugu soo noqotaa qofkii wax nacdalay. Halkaa
waxa ka cad in aanay nacdashu meel madhan ku dhicin. Bal waxa aad
xisaabisaan qof maalin kasta wax nacdalaya oo nacdaashii dib ugu soo
noqonayso xaalkiisu sida uu noqonayo?
Nacdashu
waa wax qatar ah oo wuxuu qofka la nacdalayaa amma ka nacdalaya ee ay
dib ugu soo noqonaysaa mutaysanayaan in cadhada ilaahay ku dhacdo oo
naxariista laga fogeeyo. Dhammaanteenna waxa aynu rajaynaynaa in aynu
helno naxariista ilaahay kana badbaado cadhadiisa iyo ciqaabtiisaba.
Waxa
kale oo nebigeenna suubban ee Muxamed (NNKH) xarrimay in xoolaha amma
xayawaanka ma yeedhaanka ah la nacdalo.
Haddaba,
aniga oo ka duulaya nacdasha iyo khatarteeda ba waxa aan isku dayay
in aan soo uruuriyo qaar ka mid ah xadiisyada uu nebigeenna suubban
ee Muxamed (NNKH) kaga hadlay nacdasha:
1-
Saxaabiga Sayid binu Sabith ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu
Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo
weriyay; “in nacdalista qofka muuminka ahi ay ka dhigan tahay
dilkiisa oo kale.”
2-
Saxaabiga Abii Hurayra ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka
ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay;
“ Uma haboona qofka muuminka ah inuu ahaado mid wax nacdala.”
3-
Saxaabiga Abii dar-daa ilaahay raalli ha ka ahaadee wuxuu Rasuulka
ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay
in uu yidhi; “Ma noqon doonaan kuwa wax nacdalaa kuwo
shafeeco-qaada iyo kuwo shahiidiin noqda maalinka qiyaamaha.”
4-
Saxaabiga Samura Binu Jundub ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu
Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo
weriyay in uu yidhi; “Ha isku nacdalina nacdasha alle, cadhasiisa
iyo Naarta.”
5-
Saxaabiga Ibnu Mascuud ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka
ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay
in uu yidhi; “Muuminku ma aha mid dhaleecayn badan, nacdal badan,
xumaan iyo dhac-dhac badan.”
6-
Saxaabiga Abii dar-daa ilaahay ralli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka
ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay
in uu yidhi; “Adoonku marka uu wax nacdalo waxa ay fuushaa
nacdashaasi Samada, waxa laga xidhaa albaabada samada inta aanay
gaadhin samada, ka dib waxa ay u soo laabaataa xagga dhulka waxaa
laga xidhaa albaabada dhulka inta aanay soo gaadhin, ka dib waxa ay
u kacdaa midig iyo bidix, dabadeedna ma hesho meel ay gasho kadibna
waxa ay ku soo noqotaa kii la nacdalay xagiisa haddii uu muteystay
waa ay ku dhacdaa, haddii kalena waxa ay ku soo noqotaa kii yidhi.”
7-
Saxaabiga Cimraan Binu Xuseyn ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu
Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo
weriyay; “Xilli uu Rasuulku SCW ku dhex jirey safaradiisa mid ka
mid ah oo ay gabadh ansaarta ka mid ahi saarneyd hasheeda ayaa waxa
isku soo istaagtay hashii, ka dibana way nacdashay. Dabadeedna
Rasuulka (SCW) ayaa maqley waxaanu yidhi 'ka
qaata waxa idiin saaran iskagana taga hashaas waayo waa ay
nacdalantahay'e.”
8-
Saxaabiga Cali Binu Abii Daalib ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa
uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka
soo weriyay in uu yidhi; “ Ilaahay ha nacdalo qofka ilaah qeyrkii
u gawraca, ilaahay ha nacdalo qofka labadiisa waalid nacdala,
ilaahay ha nacdalo qofka beddela calaamadaha dhulka, ilaahay ha
nacdalo qofka hooya (hoy siiya) midka diinta wax ku soo dara.”
Inta
aynaan u gudbin xasiiska u danbeeya waxa aynu soo qaadanaynnaa
aayadan sida guud u sheegaysaa cidda sida guud loo nacdalay:
“nacdasha ilaahay ha ku dhacdo lunsaneyaasha (diinleyaasha)”
suuratul Huud.
9-
Waxa saxeexaynka ku sugan in uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo
nabadgelyo korkiisa ha ahaatee laga soo weriyey in uu yidhi; “
Alle ha nacdalo gabadha timaheeda timo kale ku tidicda iyo ta
tidicdaba, Alle ha nacdalo tuugga xadaya xabad beed ah, Alle ha
nacdalo yuhuud maxaa yeelay waxay ka dhigteen qubuurihii anbiyadooda
Masaajido, Alle ha nacdalo Ragga isu eekaysiinaya Dumarka iyo
dumarka iyagu isu eekaysiiya ragga.”
Waxa
mahad gaar leh dhalinyaradan oo ka qayb-qaaatay turjumaadda
axaadiistan: Cabdixakiim Maxamuud Axmed, Mawliid Daahir Xirsi,
Cabdibaasid Cabdillaahi Ismaaciil iyo Ismaaciil Yuusuf Cabdiraxmaan.
Waxaana
aad axaadiistan ka helikartaanta: Kitaabta Riyaadu-saalixiinka,
bogagga 441-443.
Cabdishakuur
Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com,
Hargeya Office
http://heersaremuxumed.blogspot.com/
http://heersaremuxumed.blogspot.com/