Waxa uu noqday wehel nolosha ila
wadaaga. La'aantii waxa aan dareemaa cidla iyo welwel. Mar wuxuu ii
yahay gaashaan, marna difaace, mar kalena u doode. Culayskiisu waa
wax yar oo fudud laakiin wuxuu ii leeyahay miisaan macnaawiyan ah oo
aan la malayn karin. Wuxuu ii horseedaa hal-abuurnimo, hilaadin,
halabsi iyo soo bandhigista arrimo biyo-kama-dhibcaan ah oo dhadhab
ku hoos libidhsan. Ma jecli inaan u adeegsado handdadaad, hagardaamo,
halis-gelin iyo waxyeelayn kale. Waxaan u adeegsadaa intaas
beddelkooda oo ah wax saxid, wacyigelin, wadaagista fikirrada
wax-ku-oolka u ah geedddi-socodka nolosha.
Monday, November 25, 2013
Wednesday, November 13, 2013
Falanqaynta Webka: Bandhiggii Buugga Miisaanka Nolosha
Saturday, November 9, 2013
Xuskii Saxaafadda!
Horta waan ku faraxsanaa inaan ka qayb-galo xuskii saxaafadda Somaliland ee shalay ka dhacay Hargeysa.
Arrinta keli ah ee aan sida weyn u doonayay waxay ahayd in xuska lagu soo bandhigo guulaha la gaadhay, hagar-daamooyinka jira, himmalada la hiigsanayo, caqabada tooska ah iyo kuwa dadban ee saxaafadda haysta, in laga sheekeeyo cid horumar gaadhay.
in la iftiimiyo galdaloolooyinka ka jira gudaha saxaafadda iyo sida loo sixi karo.
Arrimahaa iyo kuwo kale oo badan ayay ila ahayd in diiradda la saaro oo si heersare ah looga hadlo. Hasayeeshee waxa shalay madasha hadheeyey oo yoolkii la lahaana siqiiriyey eedayn mucaaradka ka socotay iyo jawaab-celintii muxaafadka, oo runtii inta badan saamaysay sababtii dhabta ahayd ee xuska loo qabtay.
Haddii ilaahay ka dhigo sannadka soo socda waxa aan ku talin lahaa in xuska loo sameeyo hadaf-cad iyo bartilmaameed sugan, si aanay u mahara-habaabin is-beegsiga mucaaradka iyo mucaaradka.

HeersareMuxumed
heersare2009@gmail.com
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...
-
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiyey cashuuro ay dawladda Hoose boqolb...