Wednesday, October 29, 2025

“Kodokushi” – Geerida Kalinimada: Masiibo Aamusnaan Ku Socota oo Ka Dhex Dhalatay Bulshada Japan

 Kodokushi (孤独死) waa eray Japanese ah oo micnihiisu yahay “geeri kalinimo” ama “geerida cidlo lagu dhinto.” Waxaa loola jeedaa xaalad uu qof si gaar ah ugu dhinto gurigiisa ama qolkiisa iyadoo aan muddo dheer la ogaanin.

Badanaa waxa ay ku dhacdaa dadka waayeelka ah ee aan lahayn cid jecel ama daryeesha. Dalka Japan oo dadkiisu si degdeg ah u gaboobayaan — waxaana la filayaa in sanadka 2050 ay 40% dadka dalkaasi yihiin dad ka weyn 65 sano — ayaa waxaa yaraaday dadka daryeela waayeelka, taas oo keentay in marka qof waayeel ahi dhinto, muddo dheer la waayo cid ogaata.

Sida laga soo xigtay maamulka magaalada Tokyo, sannadkii 2019 waxaa kaliya 23-deeda degmo lagu diiwaangeliyey 3,913 qof oo 65 jir ama ka weyn oo ku dhintay kalinimo, taas oo ahayd koror 80% ah marka la barbardhigo toban sano ka hor. Halka saddexdii bilood ee ugu horreysay 2024 keliya, in ka badan 20,000 qof lagu soo waraystay inay ku dhinteen kalinimo — 80% ka mid ahna ay ahaayeen waayeel.

Cilmi-baaris ayaa muujisay in ku dhowaad 40% dadkaas la helo nus toddobaad kadib dhimashadooda, taas oo ka dhigaysa mid adag in la ogaado sababta geerida.

Saamaynta arrintan ayaa sababtay in warshadaha nadiifinta guryaha dadka ku dhinta kali ahaanta ay si weyn u kobcaan. Shirkado badan oo shaqadaas qabta ayaa ku daray adeegyo cusub oo ah “nadiifin ruuxi ah” (cleansing rituals) si ay uga fogeeyaan “ruuxyada xun” ee la rumeysan yahay inay ku hareen goobta.

Sidoo kale, shirkadaha caymiska ayaa bilaabay inay bixiyaan caymis gaar ah oo daboola kharashaadka nadiifinta marka qof lagu helo gurigiisa isagoo dhintay, iyadoo qaar ay bixiyaan ilaa 50,000 yen bishii (ku dhawaad $330), si loogu daboolo kharashaad gaadhaya illaa 1 milyan yen.

Kodokushi sidaas darteed waxay noqotay astaan murugo leh oo ka tarjumaysa kalinimada bulshada casriga ah ee Japan, halka daryeelka bulshada iyo xiriirka qoyska ay sii wiiqmeen.







No comments:

Post a Comment