Maalin
kasta waxa aad arkaysaa wax ku-yaab-gelinaya. Fajac iyo amakaagna
kugu reebaya, isla markaana kugu beeraya su'aalo maankaaga dhex
muquuranaya. Waxay ahayd horrantii bishan December ee sannadkan
2013ka mar aan la kulmay dhacdo iga yaabisay. Si kedis ah waxa aan u
furay muuqaal ku jiray barta internet-ka ee loo yaqaanno Youtube.com.
Waa fannaan ka mid ah fannaaniinta da'da yar ee xilliyadan danbe
heesihiisa sida weyn loo xiiseeyo. Wuxuu hees muuqaal ah ummaddiisa
ugu soo bandhigay isagoo si anshaxa ka baxdan ula fara-ka-ciyaaraya,
u taataabanaya, ugu dheg-dhegaya gabadh ajaanib ah. Taagga wuxuu
is-leeyahay muuji ilbaxnimo iyo wax cusub, balse ma oga dhaawaca uu
fankiisa iyo naftiisa u gaysanayo.
Monday, December 30, 2013
Friday, December 27, 2013
Warbixin: Dhakhtar Ilaahay Hibo U Siiyey Inuu Madaxa Qofka Qalo Lafo Xoolaadna Gelinaya + SAWIRO
Tuesday, December 24, 2013
Ma Siyaasi-baa Mise Waa Suldaan?
Waxa
la joogaa xilli ay muuqato in la isku dhex milmay. Waxay milgihii iyo
hugiiba ay ka xayuubiyeen mansab waqtiyo hore meel sare kaga jiray
meertada nolosha dadka afka Soomaaliga ku hadla. Waxay u xuubsiibteen
inay ku qadhaabtaan magacii sharafta lahaa ee mudnaa in la qaddariyo.
Magacyo badan ayay ku mutaysteen hab-dhaqanka ay ku sugan yihiin,
iyagoo ku dhex asqoobay ujeedooyin badweyn ah oo hadba dhinac u
jiidanaya. Illayn mar ayuun-baa la xisaabtamaa, bir-magaydo la
yeeshaa, hoos loo eegaa jidka lagu soconayo, ma leh.
Monday, December 16, 2013
Weedha Gorfaynta Buugga SAMO-TALIS
Habeenkii
xalay waxa jaamacadda Hargeysa lagu soo bandhigay buug xanbaarsan
geeddi-socodkii nololeed ee odayga Somaliland Xaaji Cabdikariim
Xuseen (Cabdi-waraabe). Buuggan oo ka kooban 277 bog, wuxuu
xanbaarsan yahay todobo geeddi oo siyaabo kala duwan uga hadlaya
waayihii iyo dorarkii nololeed ee xaajigu soo maray.
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...