Friday, January 31, 2014
Warbixin: Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo 100% Cashuuraha Kordhisay Iyo Cabashada Dadweynaha
Friday, January 24, 2014
Amuur Iga Yaabisay!
Arrimaha
kaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilliga
aad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay.
Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo oo
taabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaan
amma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay ku
noqonaysaa la yaab.
Sunday, January 12, 2014
Warbixin: Sababaha Indho La'aanta Ku Keena Dadka Soomaalida Ah
Marar badan waxa aad la kulmaysaa amma dhegahaaga ku soo dhacaya
dhiillooyin kala duwan oo xanbaarsan culayska ay leedahay Indho
la'aantu, qof ka cabanaya indho-xanuun, mid leh labadii indhood-ba waan
beelay, qof kale oo kuu sheegaya inuu il beelay tii kalena halis ku
jirto, mid kale oo kuu sheegaya in indhaha biyo laga furay, qof kale oo
isna kuu tilmaamaya in aragii ku yaraaday oo aragtida dheer amma ta
dhawi ay ku adagtahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa sal-dhig u
ah cabashada aafooyinka haleela indhaha.
Ma Sidan Ayay Go'aansadeen!
Waxay dagaal kula jiraan naftooda. Mar walba waxay u heellan
yihiin hagardaamaynteeda iyo lurkeeda. Kama damqanayaan halista ay
naftoodu ku sugan tahay. Ciddii kala talisa dhibtaas ay wehelka la
noqdeen waxay u arkaan dad cadow ku ah nasteexa iyo farxaddooda
nololeed. Subax, duhur, galab, habeen iyo xilli kasta oo ay tahay waxay
ku foogan yihiin dirirtaa aan naxdinta lahayn ee ay naftooda kula
jiraan.
Wednesday, January 8, 2014
Warbixin: Shirkad China Ah Oo Hargeysa Keentay Mootooyin Sida Gaadhi-dameerka Biyaha U Dhaaminaysa Iyo Dareenka Dadka Gaadhi-dameerka Ku Shaqaysta + Sawirro
Hargeysa
(OWN)- Shirkadaha shisheeye ee u heellan maal-gelintu waxay mar kasta
ka fikirayaan halka ay fursadi ka jirto iyo hanashada suuq-cusub.
Waxaana ay diraan sahamiyeyaal soo indha-indheeya meelaha fursadaha
ganacsi laga abuuri karo.
Friday, January 3, 2014
Warbixin: Cunista Cuntada Waddaniga Ah Oo Hargeysa Ku Soo Badanaysa Iyo Faa'idadeeda + Sawirro
Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo
badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto
waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan
dad koox-koox u fadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar
daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo
kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...