Muu
ahayn caways madadaalo iyo meexaano la isugu yimi. Manuu ahayn mid
waqtiga lagu luminayay. Guud ahaan dadkii madasha ka soo qayb galay oo
uu badnaa dhalinyaro waxay isugu yimaadeen inay si mug leh daaha uga
rogaan baylah wax ka qabashadeedu bulshada ka dhexayso. Waxay si aqooni
ku jirto uga doodayeen waddooyinka ugu mudan ee lagu badhitaari karo
dadaallada ku waajahan qabyo-tirka baahidaa jirta.
Sunday, December 21, 2014
Thursday, October 30, 2014
Gandi Library: Xaruntii aqoon-dhiska Dhalinyarada, "Cabdishakur Heersare"
Gaandi
Library way nabad-gashay oo dadkii ka naxayay ayaa ku guntaday. Waxay
noo ahaan jirtay sal-dhig aqooneed, madal wax akhris iyo goob aanu ku
kulmi jirnay xilligii aan jaamacadda Hargeysa dhiganayay intii u
dhexaysay 2004 illaa 2008 iyo xilliyadii ka danbeeyayba.
Tuesday, August 5, 2014
Waxay Bareen Waddadii Dagaalka!
Waxay
ahayd maalintii ciidda soon-fur ee aynu soo dhaafnay. Waxa aanu ku
sugnayn mid ka mid ah hudheelada Hargeysa. Si kedis ah waxay
indhahaygu u qabteen wiil yar oo aan da' ahaan ku qiyaasay illaa
todoba jir. Wuxuu ku jeeni-qaarnaa qori caag ah oo loo eekaysiiyey
qoriga silsilad laha ah ee soomaalidu u taqaanno badh-daloolka amma
silsilad laha.
Thursday, June 26, 2014
Waaya-arag Wehel Ka Dhigo!
Waxa jirta maahmaah tidhaahda; “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.” Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u nool yahay in wax uun laga dhaxlo.
Friday, June 13, 2014
Warbixin: Isagoo Naafo Ah Ayuu Quudiyaa Shinbiraha, Eyda, Bisadaha, Qudhaanjada Iyo Dameeraha Naafada Ah
Goobtan
oo kale oo ku taalla badhtamaha magaalaga Hargeysa siiba afaafka hore
ee dhanka suuqa soo xigta ee jiriijka koobaad ee Hargeysa, haddii aad
timaado waxay indhahaagu qabanayaan shinbiro ku dul taagan xadhkaha
laydhka iyo kuwa telefoonnada ee dusha maraya, qaar dhulka u soo
degaya oo xoonsan.
Wednesday, April 30, 2014
Sunday, April 20, 2014
Dhaqdhaqaaqa Ictiraaf-dhabaynta Ee Oslo
Waxa
furmaya albaab kale oo fursad siinaya qaddiyadda ictiraaf-raadinta
Somaliland. Waa dhaqdhaqaaq u muuqda inuu ku bilaabmay dardar iyo
niyad-hufnaan lagu raadinayo arrin badhi taaraysa jiritaanka iyo isu
soo taagista qaran la go'doomiyey.
Sunday, April 13, 2014
Hargeysa: Caasimad Dhismaysa Oo Bilic U Baahan + Sawirro
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta
saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo
kabanaysaa burburkii dagaallada iyo duqaynta. Qof kasta oo hayntiisu u
saamaxaysaa wuxuu geliyey dhisme amma dhul. Dadka qaar waxay ganacsi ba
ka dhigteen dhismeyaasha iyo dhulka oo la sii iibiyo. Magaalada
gudaheedii inta la iskala tegay ayaa darafyada la sii socdaa.
Friday, March 7, 2014
Waaya-arag Wax Ka Baro
Waxa jirta maahmaah tidhaahda “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.”
Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u
nool yahay in wax uun laga dhaxlo. Weliba si gaar ah waxay u
caddaynaysaa in qofku taariikh iyo magac ka tago isla markaana looga
baahan yahay inuu sameeyo horumar nololeed oo wax-ku-ool ah. Qof
weliba-na wuu jecel yahay in marka ay tiisu timaado ee uu god-galo in
wuxuun lagu xasuusto, laakiin waxa lagu kala duwan yahay hanka iyo
hiigsashada. Qof wuxuu ku hammiyaa in laga dhaxlo taariikh, cilmi,
aragti-nololeed iyo waaya-aragnimo sugan. Qofna wuxuu ku hammiyaa in
hanti uu tabcay laga dhaxlo, halka qof kale aanay midna-ba talada ugu
jirin.
Thursday, February 20, 2014
Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)
Maadaama
oo ay maanta ku began tahay 20ka bisha Feebarweri oo ku astaysan xuska maalinta
dhalinyarada Somaliland laguna saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay
dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri
1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad.
Waxa farxad ii ah inaan halkan
idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi
guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda qiimaha leh ee Dr. Aadan
Yuusuf Abokor, laga soo bilaabo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo
marxaladihii ka dambeeyey.
Sunday, February 2, 2014
Hal-abuur Mise Hiyi-raac?
Hal-abuurnimadu waa wax ku yimaada aqoon iyo garasho xeel-dheer
oo ilaahay ku mannaystay qaar ka mid ah dadkiisa. Waa hanti qofku meel
kasta oo uu joogo wax kaga qabsado. Waa kayd koriya qanaacadda qofka oo
ah mustanbeedka niyad-ku-noolaanshaha iyo imaan-qabka nooleed ee dadka.
Waa masraxiyadda uu qofku ku muujiyo kartidiisa iyo hibada ku qarsoon.
Waa habka fikir loogu beddelo wax shaqaynaya oo midho-dhal ah. Intan oo
amuurood waxa ka oo horjeeda qof bilaa hal-abuurnimo ah kuna astaysan
daba-socod, qishid, iyo dhallan-geddinta fikradaha iyo hal-abuurnnimada
dadka kale kaas oo ku sifoobaya “hiyi-raac”.
Friday, January 31, 2014
Warbixin: Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo 100% Cashuuraha Kordhisay Iyo Cabashada Dadweynaha
Friday, January 24, 2014
Amuur Iga Yaabisay!
Arrimaha
kaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilliga
aad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay.
Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo oo
taabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaan
amma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay ku
noqonaysaa la yaab.
Sunday, January 12, 2014
Warbixin: Sababaha Indho La'aanta Ku Keena Dadka Soomaalida Ah
Marar badan waxa aad la kulmaysaa amma dhegahaaga ku soo dhacaya
dhiillooyin kala duwan oo xanbaarsan culayska ay leedahay Indho
la'aantu, qof ka cabanaya indho-xanuun, mid leh labadii indhood-ba waan
beelay, qof kale oo kuu sheegaya inuu il beelay tii kalena halis ku
jirto, mid kale oo kuu sheegaya in indhaha biyo laga furay, qof kale oo
isna kuu tilmaamaya in aragii ku yaraaday oo aragtida dheer amma ta
dhawi ay ku adagtahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa sal-dhig u
ah cabashada aafooyinka haleela indhaha.
Ma Sidan Ayay Go'aansadeen!
Waxay dagaal kula jiraan naftooda. Mar walba waxay u heellan
yihiin hagardaamaynteeda iyo lurkeeda. Kama damqanayaan halista ay
naftoodu ku sugan tahay. Ciddii kala talisa dhibtaas ay wehelka la
noqdeen waxay u arkaan dad cadow ku ah nasteexa iyo farxaddooda
nololeed. Subax, duhur, galab, habeen iyo xilli kasta oo ay tahay waxay
ku foogan yihiin dirirtaa aan naxdinta lahayn ee ay naftooda kula
jiraan.
Wednesday, January 8, 2014
Warbixin: Shirkad China Ah Oo Hargeysa Keentay Mootooyin Sida Gaadhi-dameerka Biyaha U Dhaaminaysa Iyo Dareenka Dadka Gaadhi-dameerka Ku Shaqaysta + Sawirro
Hargeysa
(OWN)- Shirkadaha shisheeye ee u heellan maal-gelintu waxay mar kasta
ka fikirayaan halka ay fursadi ka jirto iyo hanashada suuq-cusub.
Waxaana ay diraan sahamiyeyaal soo indha-indheeya meelaha fursadaha
ganacsi laga abuuri karo.
Friday, January 3, 2014
Warbixin: Cunista Cuntada Waddaniga Ah Oo Hargeysa Ku Soo Badanaysa Iyo Faa'idadeeda + Sawirro
Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo
badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto
waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan
dad koox-koox u fadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar
daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo
kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...